|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
![]() |
||||||||||||||
|
|
|
|
|
|
|
|
||||||||
![]() Rajo cusub oo laga muujinayo taal loo helo AIDS-ka W/Q: Abdiaziz Hassan Labo hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in natiijooyinka tijaabada talaal AIDS-ka loogu tala galay oo lagu sameynayay dalka Thailand ay muujinayaan rajo cusub oo horumar u leh la dagaalanka cudurkan dhimashada badan ka geysta caalamka. Laakiin, Shaqo badan ayaa loo baahan yahay in la qabto si talaalkan loogu isticmaalo meelo kale, amaba qaab ganacsi ahaan loo badelo daawadan cusub. Talaalkan oo lagu tijaabiyay in ka badan 16,000 dad gaaraya sida ay sheegeen cilmi baarayaasha u kala dhashay dalaka mareykanka iyo Thailand. Dadkaan ayaa ayagu ku deeqay inay tijaabada ka qeyb galaan si hoos loogu dhigo 32 boqolkiiba qatarta jeermisyada keena HIV-ga. Wasiirka caafimaadka ee Thailand ayaa ku sheegay waxa ka soo baxay tijaaabda “talaabo horumar leh oo looga hortago AIDS-ka”. Ururka Caafimaadka Aduunka iyo hay’ada Qaramada Midoobay ee AIDS-ka la dagaasha ayaa war ay si wada jir ah uga soo saareen arintaan, waxay ku sifeeyeen cilmi baarista iyo taalakaan cusub mid ay saameyntiisa keeeneyso ka hortag wanaagsan. “natiijadu waxay bidhaamisay rajo cusub oo laga sameeyay talaalka cudurka HIV iyo balan qaad in laga heli karo aduunka talaal bad qaba oo sameyntiisuna wax-gal tahay kaas oo gaara dadka u baahan talaalka noocaan ah” ayay lagu yiri qoraalka wada jirka ah. Talaalka ayaa ka sameysan isku dhafka Sanofi-Aventis's ALVAC canary pox vaccine iyo taalkii horay u guul dareystay ee AIDSVAX. “Natiijooyinkan waxay muujiyeen in horumar muhiim ah ee cilmiyeysan laga sameeyay talaakan, waana muuqaalkii ugu horeeyay oo tusinaya in jermiska HIV laga hortagi karo si uuna ugu faafin bulshada tiradeeda qaan gaarka ah” ayay sheegeen hay’adaha Qaramada midoobay. AIDS-ka ayaa dhimasho ba’an ka geysta dalalka Afrika. Hada tirada la xanuunsan cudurkan ayaa sii kordheysa gudaha dalka Soomaaliya, ayadoo loo aaneynayo tababar la’aan heysata shaqaalaha caafimaadka, bulshada oo aan aqoonsaneyn jiritaankisa iyo qalabka lagu baaro oo dalka ku yar. Dhaqaatiirta Somalia ayaa cabso xoogan ka qaba in cudurkan uu si xoog leh u fido, waxayna ka digeen in iska indhatirkiisa uu baaba’ xoogan ku keeni doono dadka Soomalida ah iyo dhamaan gobolka. Cilmi baaris ay sameeyeen, dhaqaatiir cusub oo sanadkaan ka qalin jabiyay jaamacada Benadir ayaa muujisay in 5 boqolkiiba cudurkan ay dadku ka qaadaan dhiiga dadku ay isku shubaan xiliga ay dhaawacyada ama dhiig la’aanta qofka soo wajahda ay jiraan. Qoraalka ay soo saareen, kooxda baareysay cudurada faafa ayaa sheegay in dhaqaatiirta Soomaaliya aynan ku dhiiran Karin “inay u sheegan bukaanadooda inay qabaan cudurka AIDS-ka, sababo ay la xiriira amaankooda”. “Dhaqaatiirta oo in la bartilmaameedsado ka baqanaya, hadii ay bukaanada u sheegaan xanuunka ayaa sii kordhineysa qatarta, waayo dadka qaba xanuunka ayaa guur cusub galay, waxay dhiig u shubayaan qaraabadooda ku dhaawacmay dagaalada ama qof kale oo dhiig u baahan, maadama bangi dhiig uuna dalka ka jirin” ayuu yiri Isxaaq maxamed oo sanadkan howshiisa ka bilaabaya isbitaalada magaalada Muqdisho. Dad tiradoodu ku dhawdahay 33 milyan ayaa la nool cudurka, waxaan u dhimatay 25 milyan oo kale tan iyo intii cudurka la helay 1980-meeyadii. Daawooyin xakameyn kara jiradaan ma la helin, talada ugu wanaagsan waxay kusoo aruureysaa adigu qatar ha raadasanin. |
|
|||||||||||||
|
Copyright © 2009 Caafimaadka.net
All rights reserved |
||||||||||||||